Sawirro: Agaasimaha guud ee Wasaarassada dhalinyaradd & Ciyaaraha Cabdirisaq Marayare oo xilka la wareegay

24 Mars  2024 (Puntlandes.com) Agaasimaha guud ee Wasaarassada dhalinyaradd iyo Ciyaaraha dawladda Puntland Cabdirisaaq Aadan Warsame (Marayare) ayaa xilka kala wareegay Agaasime Jaamac Xasan Cabdulle.

Munaasabadda xilka wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxa goobjoog ahaa munaasabadda xil wareejinta wasiirka Wasaaradda Hodan Saciid Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada Mudane Cabdiraxmaan Sh. Axmed Habarwaa iyo madax kale.

Cabdirisaq Marayare, wuxuu soo noday laacib Baaskatballka ciyaara oo ilaa heer qaran Soomaaliya, waxuu u dhieeli jiray kooxdii madbacadda qaranka, waxuu ka yimid dal Canada 3 sano ka hor isagoo Puntland ka bilaabay tababar wiilal iyo gandho, hadana waxuu marayaa 200 oo is igu jira gabdho iyo wiilal.

Cabdirisaq Marayare ayaa Dhawaanahaan wuxuu kamid ahaa qaban qaabiyayaasha taratanka ciyaaraha dhaliyarada Puntland ee Baaskatballka tii ugu danbeysayna wuxuu ka mid ahaa qaban qaabiyaashii koobkii tartankii Baaskatballka xiisaha lahaa ee dhexmaray dhalinyaradii Muqdisho, minneapolis iyo Garowe isagoo ahaa tababarihii ciyaartoyda Caasimadda Garowe.

Cabdirisaq Marayare ayaa waxbadan kusoo kordhiyay ciyaaraha Baaskatballka ee Puntland intii uu ku sugnaa.

About The Author