Sawirro: Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Puntland oo Kormeeray Dekedda Bosaso & xafiiska Maamulka Gobolka

25 Mars 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaarada Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Dowladda Puntlamd Ubah Abdirashid Mohamed oo u weheliyo Agaasimaha Guud Wasaarada Ahmed Naxar Said oo howlo shaqo u jooga Magaalada Bosaaso Ayaa Kulan la qaadatay Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Shaahdoon, Gudoomiye-yaasha Degmooyinka iyo qaar ka mid ah isu-duwayaasha wasaarada Gobolada.

Kulanka ayaa daarnaa Isbarasho kala warqaadasho iyo ogaashaha Baahiyaha ka jira Degmooyinka gobolka, si wax looga qabto loona ogaado sida ay u kala baahiyo badan yihiin.

Sidoo wasiirka iyo wafdi la socday ayaa Booqday Dekedda magaalada Bosaaso waxaan Kusoo dhoweeyay Maamulaha Kastamyada Mohamed Yusuf Madoobe isagoona warbixin kasiiyay Howlaha shaqo ee ka socda Dekedda, waxayna soo kormeereen qaybaha kala duwan iyo Janbiga cusub ee lagu kordhiyay dekedda.

ugu danbeyntii Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay Sidii loo fududeyn lahaa shixnada gargaarka ah ee loogu talagalay dadka danyarta ah iyo Barakacaaysha ee kusoo xirta dekedda Bosaaso, Bulshadana degdeg loogu gaarsiiyo si ay uga faaidaystaan Barakada Bisha Ramadaan aan ku jirno.

About The Author