Sawirro: Guddiga Dib u eegista & La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee BJFS oo kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah

26 Mars 2024 (Puntlandes.com) Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka JFS, wuxuu maanta kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo lagu soo bandhigay nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1aad – 4aad ee Dastuurka KMG ah ee ka soo gudbay marxaladda labaad, kaas oo ay Villa Somalia riixayso in Baarlamaanku u ansixiyo.

Dastuur bedelidaan ayaan Puntland qayb ka ahayn iyadoo xalay warsaxaafadeed ay soo saartay ku cadaysay inaysan aqoonsan doonin kuna shaqayn doonin.

About The Author