Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeeray wasaaradda Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha & iskaashiga caalamiga

26 Mars 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Daa’uud Maxamed Cumar.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta waxaana uu ka dhegaystay warbixino ku saabsan shaqada socota, Siyaasadaha iyo qorsheeyaasha Wasaaradu ku horumarinayso Mashaariicda socda iyo Kuwa la unkayo oo la waafajiyey qorshaha 5-ta sano ee Horumarinta Puntland.

Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, in ay sii dardargeliyaan shaqada ay hayaan, iyadoo mashaariicda lagu saleynayo baahiyaha deegaanka ka jira, si waafaqsan qorshaha 5-ta sano ee Horumarinta Puntland.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

About The Author