Baarlamanka Soomaaliya oo meelmariyey beddelka Afarta cutub ee Dastuurka Soomaaliya

30 Mars  2024 (Puntlandes.com) Baarlamanka Soomaaliya ayaa meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey Afarta cutub ee Dastuurka oo ku saabsan awood-qaybsiga iyo hannaanka dowladnimada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhaawaqay in ka badan 254 xildhibaan oo labada aqal ah ay ansixiyeen wax-ka-beddelka Dastuur oo aysan cidna diidin.

Puntland, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa diiddan wax-ka-beddelkan, isla markaasna sheegey in aanu “Dhaqan-geleyn.”

In Madaxeeynuhu uu Raysal Wasaaraha uu magacaabi karo, eryinako; in madaxda Dowlad-goboleedyada loogu yeedhayo “Hoggaamiyaal” iyo in dalka laga qabanayo Doorasho qof iyo cod ah oo saddex xisbi uu dalku yeelanayo ayaa kamid ah isbeddelladsoo kordhay.

About The Author