Xasan Sheekh oo guddiga dibu eegista dastuurka ku amray inay Xaashi qoraan in qodobo dib loo eegayo..

30 Mars  2024 (Puntlandes.com) Saacado kooban ka hor intii aysan Baarlamaanka DFS ansixin 4 cutub ee Dastuurka Soomaaliya, wakiilada caalamiga ah ayaa dood adag ka keenay qodobada la xariira qiyamka bulshada, gaar ahaana.

1- Diinta Islaamka (Diin kale laguma faafin karro ayay diidan yihiin).
2- ⁠Da’ada Qaangaarka (18 sano kayar lagama dhigi karro)
3- ⁠Dilka ciqaabta (Dil Toogasho ah in meesha laga saaro).

Beesha Caalamka ayaa ku adkeysatay, in qodobadaas aan sidii ahaayeen loo deyn karin, oo ay qasab tahay in lagu laabto.

Hayeshee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddiga dibu eegista dastuurka ku amray in la qoro warqad lagu sheegay in qodobadaas dib loo eegayo Latashina lagalinayo, iyadoo Beesha Caalamka looga badalanayo in ay soo dhaweeyaan talaabadii Baarlamaanka qaaden, gaar ahaana qodobka doorashada qof iyo codka ah, oo ay 48 saac gudahood kusoo saarayaan.

About The Author