Puntland oo Aqoonsigii kala laabatay Dowladda Federaalka

30 Mars  2024 (Puntlandes.com) Puntland ayaa Aqoonsigii kala laabatay Dowladda Federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, sida ay xaqiijinayaan wararka laga heleyo shir hadda u soo dhamaaday Golaha Wasiirrada oo ka doodey meel-marinta wax-ka-beddelka Dastuurka.

Dowladda Puntland ayaa Aqoonsigii iyo Kalsoonidii kala laabatay Hay’addaha dawladda Federaalka, inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland na ay qeyb ka tahay.

Dhammaan masuuliyiinta Federaalka ayaana loo adeegsaday madax hore, oo dawladnimadii lagu doortay ka talaabsaday, sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Tani waxay ka dhigan tahay in ay Puntland adeegsatay mid kamid ah qodobada dastuurkeeda oo u ogolaanaya u dhaqanka sidii dawlad madax banaan.

About The Author