Villa Somalia oo shaacisay inuu baaqday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee MD Xasan ku baaqay

19 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Xaashi ay soo marisay Xafiiska Ra´iisul Wasaaraha waxay ku shaacisay inuu baaqday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxwewyne Xasan Sheekh ku baaqay inuu qabsoomayo 20-21 bishaan April.

Puntland iyadu waxay kalsoonidii kala noqotay hay´addaha dawladda Federaalka inta laga soo celinayo dastuurkii lagu midaysnaa iminkana waxaa soo baxaya in KG iyo Jubaland diideen ka qaybgalka shirkaas.

Xaashidaan ayaa waxay muujinaysaaa inuusan jiri doonin shir dambe oo dhici doona maadamaada aan taariikh kale loo qaban qabsoomida Shirkaas.

About The Author