Sawirro: Islaan Bashiir oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garowe

23 Apr 2024 (Puntlandes.com) Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ku maqnaa cimrada ayaa maanta waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garowe.

Soo dhaweynta Islaanka ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, Xiddhibaan Yaasiin Jaamax Taakilo, Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta, Siyaasiyiin, Nabadoono iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

About The Author