Muuqaal: Dowlada Turkiga oo munaasabadii ka dhacday shalay Markabka dushiisa ku inay ahayd xuska iyo waynaynta maalinta Caruurta iyo Xornimada Turkiga

24 Apr 2024 (Puntlandes.com) Dowlada Turkiga Safaaradda ay ku leedahay Muqdisho oo ka hadashay Markabka Turkiga ee ku xiran Dekeda Muqdisho iyo Xafladii ka dhacday dushiisa ayaa sheegtay in ay ahayd xuska iyo waynaynta Maalinta Caruurta iyo Xornimada Qaran ee Turkiga.

Halkaas waxaa ku fashilmay sheegashadii Dawladda Xasan Sheekh ee ahayd in Xaflada loo dhigay hirgelinta heshiiskii Amaanka Badda ee Turkiga at la galay DFS.

Markabka Turkigu waxa uu marayaa 23-Wadan, mid walbana waxaa laga samaynayaa munaasabad gaar ah, iyadoo ujeedka Turkigu yahay muujinta awoodooda Ciidamada Badda, gaar ahaan Markabkan oo ay dhawaan samaysteen.

Dekeda Muqdisho ayaa waxaa laga saaray Maraakiibtii iyo Doonyihii Ganacsi, waxaana Shaqadii laga joojiyay Shaqaalihii sababao amni dartood.

Hoos ka akriso qoraalka Turkiga, hoosna ka daawo sheegashada madaxweyne Xasan Sheekh oo muuqal ah:

About The Author