UK oo shaacisay waxay ku wadahadleen Puntland

05 May 2024 (Puntlandes.com) Howlgalka dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shaacisay in safiirka UK ee Soomaaliya oo shalay safar ku tagay Puntland uu kala hadlay dawladda Puntland sadex qodob oo ay ka mid yihiin

1- Iskaashiga ama wada shaqeynta Puntland & UK, sidii kor loogu qaadi lahaa, iyadoo ay PL horey u dalabtay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

2- Muhiimada ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee khilaafku kataagan yahay, gaar ahaana dibu eegista dastuurka DFS, oo ay Puntland diidan tahay nidaamka ay u martay madaxtooyada Soomaaliya, xili wakiilada caalamiga ah ee loo yaqaano C6+ oo ay UK ka mid tahay, ay ku cadaadinayaan 2da dhinac in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan.

3- Sida ay UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha Puntland, tan waxay qeyb ka ahayd dalabka Puntland ee ah in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo, xili uusan xariir kala dhaxeynin DFS.

About The Author