Sawirro: Gudoomiyaha gobolka Mudug oo kormeeray deegaanka Balibusle

04 May 2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali (Jifo Jabsade) ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka Balibusle ee Degmada Jiriiban, halkaasoo ay xalay ka dhacday fatahaad biyo xad dhaaf ah oo ka yimid togga Dhagwaynle.

Guddoomiyaha waxaa u warbixiyay Maamulka iyo Odayaasha degsiimada kadibna kormeer ku samayay magaalada waxaana la xaqiijiyay khasaare baaxadle oo isugu jirabarakac iyo burbur hanti indha kusoo aragnay fatahaadu khasaaraha ay gaysatay oo kala ah.

1. Barakac iyo khasaare baaxad leh inkastoo aan dadku dhiman

2. Waxaa dhamaanba khasaaray ganacsatadii ay biyuhu u galeen oo hantidoodii oo ay biyo la tageen.

3. Xaafadihii ladaganaa oo laga barkacay

4. Suuliyaashii qaarkood oo dumay ayna isku darsameen biyihii iyo wasakhdii.

5. Qabuurihii magaalada oo biyo kadul mareen ayna ka koreeyaan biyuhu.

Wali bihii ayaa magaalada fadhiya oo u baahan in xal loo helo sidoo kale meeshii biyuhu soo mareen oo u baahan in xal loo helo waxaa ayaduna khatarteeda leh haddii roob kale yimaado waxaasii kordhaya xaafadaha lagaguurayo waayo biyo baaxadleh ayaa magaalada fadhiya.

Dhamaan hay’addaha arimaha bini aadanimada waxaan ku wargalinayaa inay si dagdag ah uga jawaabaan xaalka Balibusle.

About The Author