Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo inay imtixaanka shahaadiga ah fadhiistaan Ardeyda kasoo boodey fasaladda qaar

22 May 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Waxbarashada dawladda Puntland ayaa si rasmi u diidey in ay imtixaanka shahaadiga ah u fadhiistaan Ardeyda ka soo boodey fasaladda qaar.

Go’aan ka soo baxay Wasaaradda iyadoo imtixaanka guud ee shahaadiga ay ka dhiman tahay laba beri ayaa lagu yir:

1.Arday kasta oo aan si sax ah ugu soo gudbin fasalka 12aad sababo la xiriira beddel aan sax ahayn ama in la bootiyey kama qaybgalayo imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad sannad dugsiyeedka 2023 – 2024.

2. Dhammaystirka waxbarashada ardayda; Ardayda aan si sax ah oo xiriir ah ugu soo gudbin fasalka 12aad lana soo bootiyey waxay dhammaystiranayaan waxbarashadooda sannad dugsiyeedka 2024 – 2025 si bilaash ah iyagoo waxkabaranaya dugsiyadii ay hore wax uga baranayeen.

3. Beddellada aan saxda ahayn; Laguma dhaqmi karo beddellada aan saxda ahayn iyo kuwa hubinta u baahan ilaa laga xaqiijinayo xogta ardayda wadatey beddelladaas, waxaana la farayaa mas’uuliyiinta ay khuseyso ee u xilsaaran arrimaha beddelka ardayda inay hubiyaan xogta dhabta ah ee ardayda wadatey beddellada aan saxda ahayn.

4. Dugsiyada; Dhammaan Maamuleyaasha dugsiyada hoos ku xusan waxaa la farayaa inay yimaadaan xarunta dhexe ee wasaaradda, taariikhdu markay tahay 1/6/2024.

Magacayada dugsiyada;

1. Dugsiga sare ee Iftin (Boosaaso).
2. Dugsiga sare ee Xalane (Boosaaso).
3. Dugsiga sare ee Cumar Binu Cabdicasiis (Boosaaso).
4. Dugsiga saree e Bender-qaasim (Boosaaso).
5. Dugsiga sare ee Ugaas Yaasiin (Boosaaso).
6. Dugsiga sare ee Imaamu Shaafici (Boosaaso).
7. Dugsiga sare ee Biyo-kulle (Boosaaso).
8. Dugsiga sare ee 1da Agoosto (Boosaaso).

About The Author