Khasaarihii dagaalka G/gaduud & Madaxweynaha Galmudug oo guddi u magacaabay

08 June 2024 (Puntlandes.com) Dagaal beeleed ilaa saaka ka socday Tuulada laandheer ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa wararku sheegayaan in ku dhawaad 30 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ay ku dhinteen, tiro intaas ka badana ku dhaawacmeen.

Beelaha dagaalamaya oo kasoo kala jeeda degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa dagaalkoodu salka ku hayaa aano qabiil iyo dhul daaqsimeed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddi wasaiirro ah u magacaabay xal u raadinta Colaadda Gobolkasi.

About The Author