Puntland oo xabsi dhigtay Guddoomiyihii Maxkamad, Xeer-ilaaliye Maxkamad, ku-xigeenkii Xeer-ilaaliye iyo laba garsoore

09 June 2024 (Puntlandes.com) Puntland ayaa xabsi dhigtay Guddoomiyihii Maxkamadda Derejada koowaad ee ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool, Cabdiraxmaan Fool-jaawe, Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Derejada koowaad ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool Keenadiid, ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha maxkamaddaasi, Qoolle iyo laba garsoore oo la kala yidhaahdo, Cali Sahal iyo Cabdiweli Xuseen.

Mas’uuliyiintan ayaa la sheegey in madaxtooyadu u haysato sii deynta rag ku eedeysnaa Burcad-badeed oo ay wax-ku-waayeen.

Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland oo ku foogan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ayaa la sheegey in uu ku howllan yahay xuquuq helista mas’uuliyiinta la xirxiray.

About The Author