Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in ay wax ka qabtaan siyaasadeynta Muqdisho ee gargaarka caalamiga ah

10f4

09 June 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa dacwo ka dhan ah Dowladda Federaalka u gudbisay Beesha Caalamka, iyadoo ka dalbatay in ay wax ka qabtaan siyaasadeynta maamulka Muqdisho ee gargaarka caalamiga ah.

Qoraal ay Puntland u direy Beesha Caalamka ayaa lagu yiro “Waxa aan adkaynaynaa in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada deeq-bixiyaasha, iyada oo diiradda la saarayo maamul wanaagga iyo mas’uuliyadda maaliyadeed.”

Puntland maadaama aysan aqoonsanayn DFS waxa ay keliya ugu yeedhey “Muqdisho”.

About The Author