Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in ay wax ka qabtaan siyaasadeynta Muqdisho ee gargaarka caalamiga ah

09 June 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa dacwo ka dhan ah Dowladda Federaalka u gudbisay Beesha Caalamka, iyadoo ka dalbatay in ay wax ka qabtaan siyaasadeynta maamulka Muqdisho ee gargaarka caalamiga ah.

Qoraal ay Puntland u direy Beesha Caalamka ayaa lagu yiro “Waxa aan adkaynaynaa in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada deeq-bixiyaasha, iyada oo diiradda la saarayo maamul wanaagga iyo mas’uuliyadda maaliyadeed.”

Puntland maadaama aysan aqoonsanayn DFS waxa ay keliya ugu yeedhey “Muqdisho”.

About The Author