DFS oo ku dhawaaqday in qabuuraha Iskoola Baluusiya laga saaro meydadka kujira kadib markay dhulka u baahan tahay

10 June  2024 (Puntlandes.com) DF Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in qabuuraha Iskoola Baluusiya laga saaro, meydadka kujira oo ay dawladdu dhulka u baahan tahay.

Bilowgii bishii hore, dawladdu wey inkirtay in dhulka ay u baahatay, qof kasta oo ka hadlayna wey maagtay, laakiin bil ka dib iyadii ayaa ku dhawaaqday in meydadka lala baxo, tan oo muujinaysa dawladdu in aysan run ahaanshaha dhacdada bilowga ka cararto, ka dibna hadhaw sheegto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sulub waxa uu yiri “in dadka ay maydadkooda kala baxaan qabuuuraha iskool-buliisiya waan fududeyn doonaa”.

Muddo 10 maalin ah ayaa loo qabtay dadka ay ehelkoodu ku aasan yihiin Qubuuraha si ay maydadka ula baxaan.

About The Author