Ciidanka booliska Gobolka Mudug oo gacanta Kusoo dhigay Taliyihii hogaaminayay ciidankii burcad badeeda ee 5 Milan oo madax furashada uqaatay

17 June  2024 (Puntlandes.com) Ciidanka booliska Gobolka Mudug oo caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda ayaa gacanta kusoo dhigay Taliyihii hogaaminayay ciidankii burcad badeeda ee 5ta Milan Doollar oo madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV ABDALLA ee laga lahaa dalka Bangaladesh.

Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo qabtay Abshir Cabdi Kheyre Jowfe oo 38 jir ina Mayran Xasan ahna taliyihii markabkii MV Abddala qaatayna in kabadan 400,000 (Afar boqol oo kun) oo doolar.

Taliyaha qaybta Booliska G obolka Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yuusuf oo warbixin ka bixiyey howgalkaan guulaystay ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lug leh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay iney sharciga hor keeni doonaan cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcadnimada ah.

Dowlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo deegaankaba.

About The Author