Akhriso Puntland oo mamnuucday tuugsiga, awaamiir adagna dul dhigtay Shirkadaha Isgaadhsiinta & dadka guryaha kireeya

25 Jan 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa mamnuucday tuugsiga, awaamiir adagna dul dhigtay Shirkadaha Isgaadhsiinta & dadka guryaha kireeya.

Puntland ayaa tiri “2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.

3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.

4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.”

About The Author