Sawirro: Wafdi Puntland oo ay wehliyeen saxafiyiin heer Caalami ah oo kormeeray talisyadii dhowaan laga xoreeyey kooxda argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad

25 Jan 2025 (Puntlandes.com) Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo ay wehliyeen saxafiyiin heer caalami ah ayaa kormeer Ku tagay talisyadii dhowaan laga xoreeyey kooxda argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad

Kormeerkaan ayaa lagu muujiyay guulaha ciidamada dawladda Puntland ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo doorka muhiimka ah ee warbaahinta caalamiga ah ku leedahay soo bandhigista xaqiiqooyinka.

Masuuliyiinta kormeerka hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa:

– Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir

– Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifitaax Maxamed Canbdinuur

-Gudoomiyaha Gobolka Barri Cabdirisaaq Cali Siciid Shahdoon

Waftiga iyo saxafiyiinta caalamiga ah waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Aadan Cabdi Xaashi , kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay hawlgallada guulaha leh iyo qorshayaasha mustaqbalka lagu sugi doono nabadda deegaannada laga xoreeyay argagixisada.

Saxafiyiinta heer caalami ah ayaa door muhiim ah ka qaatay in guulaha ciidamada Puntland ay gaaraan beesha caalamka, iyagoo soo bandhigaya dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo dhiirrigelinta nabadda iyo horumarka.

About The Author