Sawirro: Saxaafadda caalamiga ah oo booqatay jiidaha dagaalka & aagaga ciidamada Difaaca Dowladda ka sifeeyeen Argagixisada Daacish

25 Jan 2025 (Puntlandes.com) Saxaafadda caalamiga ah ayaa ku sugan jiidaha dagaalka iyo aagaga ciidamada Difaaca Dowladda ka sifeeyeen kooxda argagixisada ah ee Daacish.
Howlgalka ciribtirka argagixisada ee ay wadaan ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa soo jiitay indhaha caalamiga, xilli ciidamadu ku dileen furimaha hore Ajaanib kasoo duulay Dalal kala duwan, kuwaas oo qaarkood kasoo dagaalameen Barriga dhexe.
Horey, Puntland ayaa jabisay ururro argagixiso oo kusoo duulay dalka, sida Al-ITAXAAD, Maxkamaddihii, Al-Shabaab casharo adag loogu dhigay dhowr duullaan iyo Daacish oo ay baacsanayaan ciidamada Difaaca Dowladda Puntland.











