Sawirro: Dowladda Puntland oo howlgelisay Cisbitaal loogu talagay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada Daacish

27 Jan 2025 (Puntlandes.com) Dowladda Puntland ayaa howlgelisay Isbitaal loogu talagay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada Daacish, kaas oo laga dhex sameeyay Isbitaalka weyn ee degmada Ballidhidin ee gobalka Bari.
Isbitaalka oo si casri ah loo qalabeeyay ayaa loo dhameystiray dhammaan agabka lagula tacaalayo dhaawacyada ciidamada, daawooyinka, iyadoo Dowladdu geysay dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad.
Axmed Hurre, oo kamid ah Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka ciidamada ayaa xaqiijiyay dhameystirka Isbitaalka, waxaana uu sheegay in aysan Dowladdu ka hagranayn ciidamada geesiyaasha ah ee ku guda jira howlgalka argagixisada daryeel caafimaad oo dhameystiran.






