Sawirro: Ciidamada Difaaca Puntland oo Argagixisada Daacisha ka saaray Talisyo iyo Saldhigyo muhiimad u lahaa

27 Jan 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo afar cisho ah dagaallo xooggan ku qaaday Argagixisada Daacisha ayaa ka saaray Talisyo iyo Saldhigyo muhiimad sare u lahaa.
Goobaha ay ciidamaddu kala waregeen Argagixisada Daacish waxaa ka mid ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido.











