Dowladda Puntland oo ka mamnuucday Wariyayaasha & dadka baraha bulshada wax ku baahiyay inay tagaan furimaha hore ee dagaalka

01 Feb 2025 (Puntlandes.com) Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland ayaa ka mamnuucday Wariyayaasha iyo dadka baraha bulshada wax ku baahiyay in la tago furimaha hore ee dagaalka, iyadoon ogalaanshe laga haysan Wasaaradda, iyo in la baahin karin xogta howlgalka oo aan laga helin ilaha rasmiga ah ee Dowladdu ugu talagashay.
