Argagixisada Daacish oo goobihii au uga harsanaayeen Calmiskaad Duqaymo loogu gaystay

21 Feb 2025 (Puntlandes.com) Argagixisada Daacish ee uga sugan qayb buuralayda Calmiskaad goobaha kooban ayaa waxay caawa la kulmayaan duqeymihii ugu xooganaa, iyadoo lagu burburinayo Sadexdii Talis ee ay mudada 7-da sano diyaarinayeen ee Gaatir-oodan, Godka Geel maqaade, Godka Afka Quudka iyo Afka Daray Madoobe ee xiga Dhasaan.
Waxaa tan iyo galabta duqayn ku waday saaxiibadda Puntland ee Imaaraadka iyo Mareykank, iyagoo khasaare lixaad leh u gaystay Argagixisada.
Taliyaha ciidanka Difaaca Puntland Gen Aadan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay Argagixisada iskaga khaldameen dhulkii ay ka yimaadeen iyo Calmiskaad, balse ay cashar siiyeen waxyarna ka sii harsan yihiin.
Holac baa ka baxaya, ilaa galabtana sadex goobood oo qoryo saarnaa ayaa laga dajiyey oo loo awood sheegtay, kuwaasoo la aamusiyey Dabka culus ayay adeegsanayaan hadda ciidanka difaaca Puntland, waxaana is raacay duqeymaha Imaaraatka, Mareykanka iyo Dabka Ciidanka Difaaca Puntland.
In lagu kala baxaa Gaatir-oodan saacadaha soo socdaa, waxay ka dhigan tahay in Dhasaan iyo Dhaadaarba Durduro noqonayso.