Madaxii Argagixisada Daacish ee haystay Tuurmasaale ilaa Dhasaan oo Ciidanka Puntland dagaal ku dileen

23 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxii kooxda Argagixisada daacish ee haystay Tuurmasaale ilaa Dhasaan Cabdullaahi Tunuusi ayaa la helay dhamaan agabyadiisii, waxaana la xaqiiqsaday in lagu dilay dagaalkii dhacay 11kii bishan, ka dibna kooxda Argagixisada ayaa maydkiida ku qarxisay Diyaarad Drone ah si aan loo aqoonsan.
Cabdullaahi Tunuusi oo hadda la hayo dhammaan qoraaladii uu ku qoray gacantiis intii uu noolaa, ciidamadii uu xukumayay tiradooda, agabka ay wateen iyo dalalka ay kasoo jeedaan, kuwaas oo muujinaya jabka Argagixisada.
Waraaqahan hoose, ayaa muujinaya hub kasta oo uu bixiyey, dadka u dhiibay, ciidanka uu dagaalgashay iyo dalalka ay kasoo jeedeen, kuwaas oo dhammaan cidna kasoo laaban, isaguna ugu dambeyntii gacanta ciidanka Puntland uu ku baxay.
Kaliya Tunuusi ma aha madaxda Argagixiso ee la dilay ee intii ugu badnayd oo ajaaniib ahayd, ayaa buurahan u noqdeen Qabuuro.
In dhammaan cadeymahaan ay ka cararaan kooxda Argagixisada Daacish waxay muujinaysaa in ay si xun u jabeen.
Tan ayaa ka dhigan guul weyn iyo dhammaadka argagixisada Daacish oo hadda bilowday in ay isaga cararaan Talisyadooda iyo deegaannada ay ku sugnaayeen sannadada badan.

