Sawirro: RW Itoobiya oo ku Muqdisho

27 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimoquraadiga Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqaasho rasmi ah ku yimid caasimadda dalkeenna ee Muqdisho.
Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Villa Somalia ku yeelan doona wada-hadallo ku aaddan sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhinacyada amniga, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga, ilaalinta xasilloonida gobolka iyo la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah horumarka shucuubta labada dowladood.









