Ciidamada Puntland oo howlgallo ka wada Toggaga & buuraleyda ku hareeraysan deegaanka Dasaan, ..Shidaal, Mootooyin….

27 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka wada Toggaga iyo buuraleyda ku hareeraysan deegaanka Dasaan ee degmada Qandala, iyagoo ku daba jira firxadka argagixisada Daacish.

Ciidamada ayaa ka helay Tog u dhow Dasaan Gaari Surf ah oo ay gubeen argagixisada Daacish, 2 Mooto oo ay furayaashii ay kala baxeen iyo 10 fuusto oo shidaal ah, kuwaas oo ay isaga carareen argagixisadu, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

“Ciidanka oo hawlgalo Amni ka wada deegaannada ku hareeraysan Dhasaan, waxay Togg u dhow Dhasaan ka heleen Gaari Surf ah oo ay Argagixisadu gubtay, 2 Mooto oo ay furiyaashii kala baxeen iyo 10 foosto oo shidaal ah.”

About The Author