Muuqaal: MD Deni oo kudhawaaqay in 28 Feb uu bilaaban doono wajiga 3aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, baaqna udiray…..

27 Feb 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa ku dhawaaqay in berri oo ah 28 bisha February la guda geli doonno wajiga 3aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
Ciidamada ayaa maanta gudaha galay deegaanka Dhasaan, oo uu ku dhammaado Togga Jeceel, kaas oo uu ku ekaa wajiga 2aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada. Wajiga 3aad ayaa noqon doona tirtirka firxadka argagixisada Daacish.