Muuqaalo-Sawirro: Wafdi culus oo Puntland ah oo nabadayn ugaaray Deegaanka Shimbiraale ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag

12 March 2025 (Puntlandes.com) Waxaa deegaanka Shimbiraale ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag gaaray Wafti balaaran oo ka kooban Goleyaasha kala duwan ee Dawladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Dhanka kale, waxaa soo gaaray Wafti dhaqan oo uu hogaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire oo ka soo kicitimay Degmada Badhan.

Waftiga Dawladda ka koobnaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa), Wasiru Dowlaha Wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada Mudane Siciid Maxamed Warsame (Awaare), Xildhibaan Caaqil Mursal M Cabdi, Wasiir Hore Cabdijamaal Maxamed Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag, saraakiil ciidan oo kala duwan iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Waftiyada kala duwan ee soo gaaray Deegaanka Shimbiraale ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee waxgaradka iyo Dhalinyarada Deegaanka waxayna ugu horeyn uga tacsiyeeyey dhacdadii xanuunka badnayd ee ay ku dhinteen dad ehel ah.

Odayaasha dhaqanka deegaanka Shimbiraale ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa soo dhaweeyey waftiga kala duwan ee soo gaaray Deegaanka iyaga oo hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin nabad iyo wada hadal si loo helo nabad iyo xasillooni dadka dhexdiisa ah, Odayaasha oo waftiga la hadlay ayaa ka tacsiyeeyey dhacdadii xanuunka badnayd ee dhacday dadkii ku dhintay labada darafba.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL oo madasha ka hadlay ayaa boodaaiyey dedaalka kala duwan ee ay wadaan waxgaradka labada dhinac, Odayaasha iyo culumada taas oo ah in colaadda la afqabto intii dhimatay ay ku ekaato.

Sidookale, laamaha amniga oo ilaalinta amniga door muhiim ah ka qaatay lana wareegay deegaankii dhibku ka dhacay iyo ceelashii xooluhu ka cabijireen.

Ugu dambeyntii Masuuliyiinta Dawladda Puntland ayaa kulan gooniya la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Deegaanka, kulankaan oo waxyaalo badan looga wada hadlay ayaa masuuliyiinta Dawladda garowsadeen soo jeedinta dadka deegaanka ee la xiriirta dhacdadii dhacday iyo xaaladda Amni, caafimaad iyo siyaasadeed ee Deegaanka Shimbiraale.

Hoos ka daawo hadaljeedintii Wasiir Juxa

Hoos ka daawo hadaljeedintii Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

Hoos ka daawo hadaljeedintii Wasiir hore C/Jamaal

About The Author