Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka laabtay xasaanad ka xayuubintii xildhibaanka Awdal, Cabdillaahi Abiib, ka dib markii isagana mooshin laga gudbiyey.

29 April 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka laabtay xasaanad ka xayuubintii xildhibaanka Awdal, Cabdillaahi Abiib, ka dib markii isagana mooshin laga gudbiyey.

Aadan Madoobe ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

About The Author