Sawirro: Munaasabad Qado sharaf ah oo lagu maamuusayay G/Sare Duwane oo lagu qabtay Beerta Arlo Park ee Garowe

29 April 2025 (Puntlandes.com) Munaasabad Qado sharaf ah oo lagu maamuusayay G/lle Sare. Maxamed Mursal Maxamuud (DUWANE), iyo saraakiil kale oo tirsan ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, uuna kamid yahay G/lle Maxamed Khaliif Jaamac (Kamatage) oo qeyb ka ah saraakiisha hoggaaminaysa Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee Hillaac, kana socda buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari ayaa lagu qabtay Beerta Arlo Park ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad ayaa ka qeybgalay munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey.

Dhammaan masuuliyiinta iyo waxgaradka ka hadlay munaasabadda ayaa boggaadiyay howlgalka Hillaac, iyagoo sheegay in ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ay muujiyeen geesinimo iyo nafhur, taas oo soo dadajisay guusha taariikhiga ah ee geeshkeenu ka gaaray dagaalka cadowga kusoo duulay dalkeena iyo dadkeena.

G/lle Sare Duwane Gaaciye ayaa u mahadceliyay xubnaha soo agaasimey kulanka soo dhaweeynta ah iyo masuuliyiinta iyo waxgaradka soo ajiibay, isagoo xusay in garab istaaga joogta ah ee shacabka Puntland iyo dowladdooda ay kor u qaaday niyada ciidamada geesiyaasha ah ee jooga jiidaha hore, waxaana uu tilmaamay in maalmo dhow lasoo afmeeri doono firxadka argagixisada Daacish iyo argagixisada kale ee diidan nabadda iyo horumarka Puntland.

About The Author