Muuqaal: RW Xamse “Safarkeygii Laascaanood ayaa ibafur unoqday nabad, midnimo & in lays dhaafsado maxaabiis Laascaanood, Garowe & Hargeysa”

04 May 2025 (Puntlandes.com) Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in safarkiisii uu ku tagay magaalada Laascaanood uu keenay nabad, midnimo iyo in lays dhaafsado maxaabiis Somaliland, Puntland iyo SSC-Khaatumo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Maxaabiistii ay is waydaarsadeen Somaliland iyo Puntland ayeysan wax lug ah ku lahayn maamulka Xasan Sheekg iyo SSC-Khaatumo.
Raysal wasaare Xamse ayaa yiri “Safarkeygii Laascaanood ayaa iba fur u noqday nabad, midnimo iyo in lays dhaafsado maxaabiis Laascaanood, Garoowe & Hargeysa, waxa aan ammaanayaa maamullada Somaliland, Puntland iyo SSCKhaatumo.”