SAWIRRO: MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARANKA OO AY KAMAQAN YIHIIN PUNTLAND & JUBALAND

06 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Villa Somalia ka furay Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo ay ka maqan yihiin dawladdaha xubnaha ka ah Federaalka ee Puntland iyo Jubaland.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay Villa Somalia ka soo saartay:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Shirkan oo qeyb ka ah gogoshii Qaran ee uu fidiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxda Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Mudane Cabdacasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-cali, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanaya xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.
DHAMMAAD









