Farmaajo “Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee MD Xasan Sheekh ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya….”

07 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray uga hadlay burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qorshaha uu madaxweyna Xasan Sheekh ku-maroorsanayo xukunka dalka.
Farmaajo ayaa Warsaxaafadeedka ku yiri “Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ugu yeeraynaa in muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah aanu dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawacaysa dowladnimada iyo wadajirka,”
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Farmaajo:
