Sawirro: Faahfaahin dheeraad ah Gaalkacyo oo dawladda Puntland ka bilowday burburinta guryaha Boqolka ee ku yaalla Suuqa Xero-Dayax
20 Aug 2026 (Puntland.com) Gaalkacyo oo dawladda Puntland ka bilowday burburinta guryaha Boqolka ee ku yaalla Suuqa Xero-Dayax, halkaas oo laga bilaabayo fulinta wajiga koowaad ee Mashruuca Biyo-saarka Magaalada Gaalkacyo.
Waxaa si rasmi ah loo bilaabay shaqooyinka wajiga koowaad, kuwaas oo ay ka mid yihiin baneynta iyo duminta dhismayaal ku yaalla meelaha muhiimka u ah hirgelinta mashruuca.
Mashruuca ayaa loogu talagalay in xal loogu helo dhibaatada biyo-fadhiisiga iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee muddooyinkii u dambeeyay saameynta ku lahaa magaalada Gaalkacyo.
Mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo oo muddo dheer la sugayay ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono maaraynta biyaha roobka iyo yareynta fatahaadaha, isla markaana gacan ka geysto horumarinta bilicda iyo kaabayaasha magaalada.








