Muuqaal-Sawirro: MD Den oo si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo

1a1a

25 Nov 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo maanta ku tegay Gaalkacyo, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha kala qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Puntland, Saraakiisha Booliska ee Gobolka, masuuliyiinta Shirkadda GDG ee dhisaysa Garoonka, masuuliyiinta maamullada gobolka iyo degmada ee Puntland iyo Galmudug, Guddiga Horumarinta Magaalada Gaalkacyo, masuuliyiin ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay, Isimo, Cuqaal, waxgarad, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Mashruuca dhismaha garoonka oo la qorsheeyey in lagu dhammaystiro muddo kooban ayaa ka kooban dhabaha ay diyaaraduhu ka kacaan kuna soo degaan (Runway), xarunta adeegyada rakaabka (Terminal), qaybta socdaalka (Immigration), munaaradda hagista duulimaadyada (Control Tower), barxadda diyaaradaha (Apron) iyo goobaha baarkinka gaadiidka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo shirkadda fulinaysa dhismaha garoonka, ku boorriyey inay dardargeliyaan dhismaha garoonka, isla markaana muhiimad gaar ah lasiiyo tayada dhismaha iyo waafajintiisa heerarka caalamiga ah ee garoomada diyaaradaha.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ayaa muhiimad weyn u leh horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, casriyeynta adeegyada duulimaadyada iyo xoojinta isku xirka Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, isaga oo sidoo kale abuuri doona fursado shaqo, ganacsi iyo maalgashi.

About The Author