Sawirro:Wasaaradda Qorsheynta dowladda Puntland oo guddoomisey shirka Isku-duwidda Mashruuca BREFONS ee Puntland.
23 Aug 2026 (Puntland.com) Wasiir Ku-xigeenka ahna Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland Maxamed Xasan Ibrahim ayaa guddoomiyey shirka Isku-duwidda Mashruuca BREFONS ee Puntland.
Shirka waxaa lagu soo bandhigay heerka uu marayo iyo guulihii la gaaray, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay qorshayaasha iyo hawlaha la qorsheeyay ee soo socda, si loo dardargeliyo hirgelinta mashruuca, loo xoojiyo isku-duwidda hay’adaha, loona hubiyo in hawlaha BREFONS ay si hufan ula jaanqaadayaan qorshayaasha horumarineed ee dowladda Puntland.
BREFONS waxa uu diiradda saarayaa xoojinta adkeysiga bulshada xoolo-dhaqatada beeraleyda ah, kordhinta wax-soo-saarka & dakhliga, horumarinta helitaanka biyaha iyo kaabayaasha wax-soo-saarka, iyo xoojinta awoodda bulshada ee la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Sida oo kale Mashruucu wuxuu si toos ah ula jaanqaadayaa Qorshaha Horumarinta Dowladda Puntland Puntland Development Plan (PDP-4) 2026–2030 iyo Puntland Resilience Investment Plan (PRIP) 2026–2030, iyadoo isku-duwidda heerka Puntland ay hoggaaminayso wasaaradda Qorsheyntu.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha fulinta mashruuca, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wakaaladda Horumarinta Biyaha, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Sidoo kale waxaa shirka ka qaybgalay Maareeyaha Mashruuca BREFONS ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), wakiillo kale oo ka socday AfDB, Madaxa Save the Children ee Puntland, iyo hawlwadeeno kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.





