Dhagayso: Gaagaab oo diiday in Gobolka Mudug laga jaro Puntland

0

Mudane Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo soo noqday madaxweyne ku xigeenka  Puntland ayaa maanta shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee caasimada Gobolka Mudug wuxuu kaga Hadlay, arimaha Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo xaalada ka taagan Galgaduud iyo Mudug ee Maamul u samaynta Goboladaas.

”DFS aqoon daro uma gayn ee waxay ka leedahay carqalayd Federaalka” ayuu ku nuuxnuuxsaday Gaagaab.Wuxuuna intaa ku daray qaadashada nidaamka federaalka in uu yahay mid leh ahdaaf iyo sharciyo lagu dhaqayo dowlada qaatada nidaamka Federalka,

Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Gaagaab waxa uu si qoto dheer uga hadlay Maamul dhawaan ay dowlada federaalka ahi ay shaacisay oo lagu dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka ay ka qaadatay dowlada Puntland ee dhulkeeda lagu soo xadgudbay sida uu sheegay.

Gobolka Mudug ayuu sheegay in inta ugu badan ay leedahay hoosna tago Puntland. Xuduud dhaqameed ayaa naga dhaxaysa anaga iyo qolyaha Hobyo.

Todobaadkii hore ayey DFS shaacisay wax ay ugu yeertay heshiis ay dhex dhigtay wakiilo ka socday sida ay sheegtay Maamulo ka dhisan Mudug iyo Galgaduud heshiiska ayaa ahaa mid maamul loogu dhisayo goboladaas, waxaan markii dambe ka hor yimid Maamuada Ximin iyo Xeeb, Ahlusuna iyo Dowlada Puntland waxaase aan marna ka hor imaan Maamulka Gamudug oo taliya Koonfurta Gaalkacyo.

 

Dhageyso Gaagaab


Qybta labaad

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *