DFS oo ku qaraabaysanaysa sugida amniga Puntland

0

Taliyaha Booliska DFS Jen Maxamed Xasan Sheekh Cismaan oo shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Xamar ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay Asxaabtii iyo Eheladii uu ifka kaga tagay Alle ha u naxariisto Taliyihii qeybta booliska gobolka Bari Col Muslim oo shalay ku dhintay qarax ismiidaamina oo la gula beegsaday magaalada Bosaso

Waxa uu sheegey Jen Maxamed Xasan Sheekh Cismaan inay kordhin doonaan xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya ciidamada booliska Puntland si aysan fursad ugu helin kooxaha Argagixisada Alshabab inay amniga khalkhal galiyaan. Waxaana ka caawineynaa sugida amaanka.

Hadalka Taliyaha Booliska Dowlada Federalka Somaliya ayaa imaanaya xilli uu Madaxweynha Puntland Dr Gaas oo habeenimadii khamiista, 31-07-2014, uu ku dhawaaqay in uu u jaray Xasan Culusooow iyo kooxdiisii xiriir aan sharci ahayn.

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *