Guddoomiyaha G Hiiraan oo ka soo horjeestey Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

31 Okt 2015 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa boggiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga soo horjeedo gudiga farsamo ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe qoraanlka hoos ka aqriso.

Hankan hoose ka Akhriso Qoraalka Guddoomiya

Waxaan halkaan ku soo gudbinayaa go’aankeyga ku aadan Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ee uu shalay ku dhawaaqay wasiirka Arimaha Gudaha iyo fadaraalka X.F.S.

Go’aanka oo ka kooban Qodobada soo socda:-

1- Sida uu ku xusay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo fadaraalka warqadda uu ku magacaabay Guddiga Farsamada oo ah in uu kala tashaday Saxiixayaasha oo aan ka mid ahay guddoomiye ahaan in aysan jirin wax wadatashi ah uu igala sameeyay Wasiirku waxbana aanan ka ogeyn.

  1. Amrka la eego Tirada Guddiga farsamada ee uu Wasiirku magacaabay ee ah 14 xubnood waxey khilaafsantahay tiradii hore laysugu ogaa ee ahayd 31 ka xubnood sidaa darteed maaha mid ay dadka labada gobol raali ka yihiin anaguna masuuliyiin ahaan raali kama ahin.
  2. Marka laga eego dhanka Awoodqeybsiga Beelaha oo ah hab lawada garanayo lana ogyahay sida ay wax ku qeybsadaan Beelaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe qeybta Wasiirku wax ku saleeyay waa mid aan cadaalad ku salaysneyn abuureysana Caqabad dib u dhig u keenaysa maamulka loo sameynayo goboladaas isla markaana shaki galineysa kalsoonida Bulshada labada gobol ay ku qabi lahaayeen Wasaaradda .
  3. Bulshada labada gobol ee ah kuwo aad isugu dhaw feker ahaan waxay arintani ka dhex abuuri kartaa kala fogaansho sidaa darteed waxaan u soo jeedinayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha in ay ka laabtaan Go’aankaan lana siiyo Bulshada labada gobol xoriyad ay wax ku qeybsadaan kuna dhistaan wax ay heshiis ku yihiin.
  4. Marka la eego qodobada kor ku xusan waxaan la socodsiinayaa Bulshada Reer Hiiraan in aysan ahayn sida ay wax u socdaan mid aan wax kala socdo tashina aanan ku lahayn isla markaana aan kala mid ahay fikir ahaan iyo go’ahaanba Bulshada Reer Hiiraan.

Ugu danbeyn waxaan u soo jeedinayaa Bulshada labada gobol in ay si taxadir leh ay ula tacaalaan Arimaha noocaan ooo kale ah kana fogaadaan wax kasta oo u muuqan kara laablakac iyo kala fogaan ku keeni kara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in ay soo farageliyaan Xaaladda taagan waxna ka qabtaan

Mahadsanidiin.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
C/fataax Xasan Afrax.

About The Author