Beesha Abgaal oo Qaadacday Gudiga maamul samaynta Hiiraan & Sh Dhexe ee DFS ay magacawday

31 Okt 2015 (Puntlandes) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DFS, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa ka soo horjeestay Gudigii Farsamada maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ay DFS magacawday.

Kulan  ay kasoo qayb galeen waxgarad, culumaa’udiin, siyaasiyiin, haween, aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa waxay ku qaadaceen habkii wax loo qeybiyay Guddiga farsamada, kuna tilmaamay mid aan la aqbaleyn.

Muxiyadiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka beesha ayaa yiri“Anaga qaabka wax loo qeybiyay oo ah hal qof oo beesha degta Shabeellaha Dhexe ah ee aqlabiyada degta ay tahay Abgaal, waa qaadacnay, waana diiday, saasna cid wax kuma darsaneyno, waxaa la soconaa goboladii la soo dhisay iyo nidaamka la maray iyo sida wax loo qeybsaday, qofba waxay mudneyd la siiyo, laakiin raadkii in la qaado aheyd, ma naqaano sababta loo diiday oo loo hareer maray”.

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay raalli gelin ka bixiso qaladkii ay sameysay, waxaana uu xusay in dadka deegaanka wax aysan ogeyn ay soo saartay, isla markaana aanay ka tala gelin sida uu yiri.

Xildhibaan Qaasim Nuur Cali ayaa yiri “Warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha waa warqad dadka la isku dirayo, colaad mar hore laga soo daalay, arrinta go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha raali gelin haka bixiso”

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in warqada uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha aanay jirin cid uu kala tashaday, isagoo ka dalbaday Wasiirka inuu cadeeyay qaabka uu ku saleeyay.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in sharaxaad ka rabaan in Wasiirka ka bixiyo 14-kii xubnood ee guddiga farsamo labada gobol, isagoo xusay in afar xubnood laga siiyay Shabeellaha Dhexe, halka 10 kalena Hiiraan la siiyay, taasoo iyana uu ku tilmaamay cadaalad daro kale sida uu hadalka u dhigay.

Isku soo duuboo waxaa isa soo taraya Cabashada iyo diidmada ka soo yeereysa beelaha dega labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana si cad waxgaradka, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada uga soo horjeesteen qaabkii loo xulay Guddiga farsamada maamul u sameynta labada Gobol.

coma (1)coma (2)coma (3)coma (5)coma (4)

 

About The Author