Sawiro: Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi

1 Nov 2015 (Puntlandes) Saakay xilli hore abaaro 5:40-daqiiqo ah ayaa waxaa weerar gaari Ismiidaamin ah loo adeegsaday lagu qaaday Hotelka Saxafi oo kuyaala Isgooska KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi kadib dhismaha Hotelka ku yaacay dagaalyahano hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab.

Dagaalyahanada gudaha Hotelka galay ayaa durba bilaabay in ay rasaas la beegsadaan qof kasta ay gudaha Hotelka ku arkaan, waxa ay sidoo kale bambooyin ku jabinayeen qaar kamid ah albaabada qololka Hotelka .

Daqiiqado kadib albaabka hore ee Hotelka Saxafi waxaa ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay halkaasi, qaraxaasi ayaana ahaa midka qasaaraha ugu badan gaarsiiyay dad shacab ah iyo Ciidan.

Weerarkan waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 20-qof ay ku jiraan Xildhibaan lagu magacaabo Abtidoon Koofi Shabaq, Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jen. Cabdi Kariin Dhagabadan iyo Cabdirashiid Ilqeyte oo ahaa ganacsade caan ah sidoo kale ahaa Milkiilaha Hotelka.

Waxaa sidoo kale Weerarkan ku dhintay dad badan oo shacab ah oo uu ku jiray Sawir qaade katirsanaa Idaacada Shabelle sidoo kale la shaqeenayay Telefishinka Al-Jaziira, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhintay dad gaadiid iyo mootooyin saarnaa oo laamiga marayay xiliga ay qaraxyada dhacayeen.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ay ku guuleesteen in ay soo afjaraan howlgakii ay ku galeen Dhismaha Hotelka Saxafi ay qabsadeen xubno katirsan Al-Shabaab.

Waxa uu xusay Wasiirka in Hotelka ay weerarka kusoo qaadeen 5 ruux oo katirsan Al-Shabaab , islamarkaana dhammaantood la toogtay, haatanna la wado tirakoob ku aadan dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkaasi.

Weerarka saakay lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeeshay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, Hotelka ayaana ku yaalay goob muhiim ah oo amaakeeda si weyn loo ilaalin jiray. Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan qaar badan oo kamid ah dadkii ku xayirnaa hotelka Saxafi ay saakay Weerar kula wareegeen Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Nabad Sugida gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo galay qeybo kamid ah Hotelka Saxafi xili dagala kasocdeen ayaa daaqadaha kasoo saaray Masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ku xayirnaa dhismaha Hoteelka.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ay ku guuleesteen in ay soo afjaraan howlgakii ay ku galeen Dhismaha Hotelka Saxafi ay qabsadeen xubno katirsan Al-Shabaab.

Waxa uu xusay Wasiirka in Hotelka ay weerarka kusoo qaadeen 5 ruux oo katirsan Al-Shabaab , islamarkaana dhammaantood la toogtay, haatanna la wado tirakoob ku aadan dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkaasi.

Xaalada Hotelka Saxafi ayaa hada ah mid dagan , waxaana halkaasi wali ku sugan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo baaritaano kawada, waxaana weerarka lagu qaaday Hotelka Saxafi ku dhintay dad ka badan 20-qof ay ku jiraan Masuuliyiin iyo Saraakiil ciidan.




















 

 

 

About The Author