Wasiir Odawaa: “Guddiga farsamada waxaa si siman loogu qeybiyay dhamaan beelaha dega labada gobol”

1 Nov 2015 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay qaabkii uu usoo Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in uu arrintaas la tashi kala sameeyeen Madaxda dowladda iyo saxiixayaasha heshiiska maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

133

Wasiirka ayaa sheegay in magacaabista gudigan ay qaadatay waqti dheer, isagoo xusay in muddo labo bilood ay soo wadeen wada tashiyada, wuxuuna tilmaamay in qaabka xulista gudigan ka kooban 14-ka xubnood ay ku saleeyeen dhamaan beelaha dega labadaasi gobol oo si siman loogu qeybiyay.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka caddeeyo dhowr arrimood oo muhiim ah, maalintii khamiista waxaan soo saaray wareegto lagu magacaabay Guddiga farsamada ee maamul u sameynta sababaha aan 14 qof uga dhignay ayaan rabaa inaa caddeeyo,  marka koowaad waxaad ka war heysaan in dowlad goboleedyada sameyntooda ay tahay shaqo in la dhameeyo loo baahan yahay 2016-ka inta aysan dhamaan, guddigan farsamadan waxaa si siman loogu qeybiyay dhamaan beelaha dega labada gobol”ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Kadib wada tashiyo labo bilood oo dhan qaadatay waxaa suura geli weyday in guddi farsamo oo macquul ah la helo, sababaha ay dadka u qaateen waxaa ka mid ah in guddiga farsamada uu yahay sida baarlamaanka matali doona dowlad goboleedka la dhisi doono oo kale”.

About The Author