Daawo Video-Sawiro: Maxkamadda sare Puntland oo maanta furtay Dhagaysiga dacwad laga keenay dhismaha Gollaha deegaanka Bosaso

4 Nov 2015 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u Furtay dhagaysiga dacwad laga keenay Gollaha Geegaanka Bosaso iyo qaabka loosoo xulay xildhibaanada Gollaha oo tiradoodu dhan tahay 29-mudane.

Dacwadda waxaa maxkamadda usoo gudbiyay shan Odayaal oo ka mid ah kuwii soo xulay xildhibaanada balse kuwii ay soo xuleen laga tagay iyo Cumar Sadiiq oo ka mid ahaa raggii isku soo sharaxay xilka duqa Bosaso balse markii ku dhawaaqay inuu is-casilay.

Odayaasha dacwada ka ah waddada loo maray dhismaha gollaha deegaanka Bosaso waxaa ka mid ah Ganacsade Xuseen Gacayte oo si weyn looga yaqaan Bosaso, odayaashaasi waxay ku doodayaan in si sharci daro ah guddiga doorashada u xusheen xildhibaanada gollaha deegaanka oo qaarkood sheegeen in la isku haysto.

Labada Qareen ee u kala hadlayay dhanka dowladda iyo odayaasha dacwada soo gudbiyay ayaa maxkamadda kusoo bandhigay cadaymaha arrinta la isku haysto, Qareenka Odayaasha u hadlayay wuxuu sheegay inay sharci daro ku dhacday doorashadii iyo qaabka xildhibaanada loosoo xulay, waxa uu sheegay sharciga L.7 ee gollahaasha deegaanada Puntland uu dhigaya farqadiisa 15- Degmooyinka A sida Bosaso inay ka kooban yihiin xildhibaanada 27-mudane balse lasoo xulay 29-xildhibaan oo sharcigaasi ka hor imaanaya, sidoo kale xildhibaanada Odayaashii soo saxiixeen meesha laga saaray.

Qareenka dhanka dowladda u hadlayay ayaa arrimahaasi beeniyay kuna tilmaamay in guddiga xulista iyo doorashada ay iyagu xaq u lee yihiin in ay kala saaraan oo soo xuleen xildhibaano karti u leh oo odayaasha degmada Bosaso soo gudbiyeen.

Dood dheer ka dib, Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Cabdiqaadir Axmed Maxamuud ayaa sheegay dacwada la xariirta dhismaha gollaha deegaanka Bosaso la isagu soo laaban doono shan cisho ka dib, iyadoona qareenka u doodaya dhanka dowladda laga codsaday inuu soo dhamaystirto cadaymaha ka maqan.

Cumar Sadiiq oo ka mid ahaa dadkii saluuga xoogan ka muujiyay nidaamka loosoo xulay xubnaha gollaha deegaanka Bosaso ayaa saxaafada u sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka u dhacday maanta dacwada arrintan, waxa kale uu sheegay inay bilow u tahay in shacabka iyo dowladda wixii dhibaato ah oo soo kale dhax-gashaa lagu kala saaro sharciga.

Xuseen Gacayste oo ka mid ah odayaasha dacwada qaybta ka ah ayaa soo dhaweeyay in maxkxamadda sare ee Puntland u fariisato meel saarista kiiskan ku saabsan dhismaha gollaha deegaanka Bosaso, odayaasha kale ee hadlayna waxay sheegaan inay ku qaadan doonaan go’aanka kasoo baxa maxkamadda.
1

4

3
2
7

6

9
Puntlandes.com

About The Author