Wariye Cawke oo Jigjiga ku geeryooday

17 Nov 2015 Allah ha naxariisto, waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Cowke oo ka mid ahaa wariyeyaashii ugu caansanaa dalkeena.

Axmed Xasan Cowke ayaa u geeriyooday xanuun, sida ay  walaashii Canab Xasan Cowke u sheegtay BBC.

Marxuumka ayaa ka shaqo billaabay Radio Muqdisho billowgii toddobaatameeyadii, wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay Telefishanka Qaranka, isagoo noqday wariyaha gaarka ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda.

Burburkii kaddib, wuxuu Marxuum Cowke la shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC iyo waliba VOA, isagoo sidoo kale ka shaqeeyay qaar ka mid ah telefishannada Soomaalida sida Universal, HCTV iyo SNLTV.

Muddooyinkii dambe, wuxuu Marxuum Cowke ku noolaa magaalada Hargeysa. Axmed Xasan Cowke.

About The Author