Sawiro:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo Qado Sharaf Soo Dhoweyn Ah u Sameeyey Qaar Ka Mid ah Issimada Dhaqanka DDSI oo Mudooyinkan Ku Sugnaa Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 17, 2015 qado sharaf soo dhoweyn howgiisa Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ugu sameeyey qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia   DDSI waxayna ka mid ahaayeen odayaashii kala duwanaa ee ku howlanaa dhex-dhexaadinta beelo colaadi ku dhex martay deegaanada magacley iyo qoriley ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Puntland wuxuuna u sheegay issimada dhaqanka DDSI in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Puntland maadaama shacabka labada dhinac ay leeyihiin xiriir qota dheer oo soo jireen ah.

Issimada dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia   DDSI ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo shaxabka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u muujiyeen mudadii ay joogeen Puntland, sidoo kale waxay tilmaameen in guul wanaagsan laga gaaray kulamdii ay ka qayb galeen ee lagu dhex-dhexaadinayey beelaha walaalaha ah ee colaadu ku dhex martay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug , deegaanadaas oo ood-wadaag la ah deegaanada kale ee shacabka DDSI.

Issimada dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia  DDSI ayaa Puntland ku sugnaa mudo ka badan Soddon Cisho waxayna ka mid ahaayeen odayaashii dhaqanka ee ka qayb qaatay heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaanada magacley iyo qoriley oo ka tirsan Gobolka Mudug.

IMG_7691 IMG_7686 IMG_7685 IMG_7684 IMG_7680 IMG_7679 IMG_7668 IMG_7662 IMG_7661 IMG_7660

IMG_7651

About The Author