XOG: Gudoomiyaha G Mudug uga Xog waramay Puntlandes.com Hawlgalka Alshabaab Sifaynta ah ee Puntland ka socda

18 Marso 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa khadka telefoonka kula xiriirtay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo ku sugan caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxayna wax ka waydiisay Hawlgalka Alshabaab Sifaynta ah ee ay Ciidama Difaaca Puntland kula dagaalamayaan Alshabaabka sida dhuumashada ah kusoo galay Xeebaha Puntland gaar ahaan Gobolada Mudug iyo Nugaal.

206

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa ugu horayn u sheegay Warbaahinta Puntlandes inuu magaalada Gaalkacyo soo gaaray saaka Subixii markay saacadu ahayd 2 saac oo subaxnimo, isagoo ka yimid Aaga Furinta ee Deegaanka Kulub iyo Bad-qabo oo shalay ay dagaalo Culus ka dheceen.

Gudoomiye Xasan ayaa Warbaahinta Puntlandes u sheegay inaysan maanta wax dagaal ah ka dhicin Aagaas, laakiin Jab xun loo gaystay Shalay lagana durkiyey meeshii ay ku sugnaayeen cadawgu. Gudoomiyaha ayaa waxa uu intaas kusii daray in dhawaan lasoo Afmeeri doono Hawlgalka Alshabaab Sifaynta ah ee ay Ciidama Difaaca Puntland wadaan.

Mar ay Warbaahinta Puntlandes waydiisay waxa uu kasoo doonay Gaalkacyo iyadoo uu socdo Hawlgalkaas ayuu wuxuu ku jawaabay “waxaan Gaalkacyo u imid Abaabul iyo Shaqo ee saas ula socda”

Puntlandes.com

About The Author