Warbixin: Safarkii Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Itoobiy, Maraykanka, Kanada iyo guulihii laga dhaxlay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka ambabaxay  16-Feb-2016 magaalada Garoowe Ee Caasimadda Dawladda Puntland kuna sii jeedey Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa uu safarkiisu daarranaa kobcinta dhaqaalaha Puntland, Tayaynta dhisamaha Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, Adkaynta nabad-gelyada guud ee Puntland iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

13

 

Madaxweynaha ayaa markii uu ka degey garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo laqaatay Madaxda ugu sarraysa dalkaasi waxaana ay kawada hadleen hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka Soomaaliya ee 2016-ka, isagoona u gudbiyey aragtida shacabka Puntland ee ah in aanay oggolaan doonin in dalka dib loogu celiyo hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dalka lagu soo maamulayey 16-kii sanno ee ugu dambeyey.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo laqaatay shirkadaha dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkaasi,  waxaana uu kala hadlay sidii ay Puntland u maal-gashan lahaayeen  isla markaana ay Puntland uga faa’iidaysan lahayd khibraddooda iyo aqoontoodaba si loo dar-dargeliyo dedaalka ay dawladda Puntland ugu jirto dhismaha kaabayaasha dhaqaaleheeda.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kulamo laqaatay wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Tamarta iyo laamaha Ammaanka dalkaasi waxaana uu kala hadlay furitaanka Kastamka TUUR DIBI si uu u xoogaysto xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya iyo sidii looga wadashaqayn lahaa adkaynta nabad gelyada labada dhinac.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 23-Feb-2016 waxaa uu u ambabaxay Qaaradda Ameerika isogoona safarro ku kala tegey waddamada maraykan iyo Kanada(Canada) gaar ahaan magaalooyinka Washington DC, Toronto-Canada, Ohio iyo magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St.Poul waxaana kusoo dhoweeyey kumannaan Soomaali ah.

Madaxweynaha ayaa muddadii uu ku sugnaa waddanka Maraykanka waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno kamid ah madaxda dalkaasi o ay kamid yihiin Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, uqaabilsanaha maraykanka ee arrimaha Afrika, xubno katirsan Baarlamaanka dalkaasi Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee Congress-ka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu kulamo laqaatay Madaxda Hay’adaha deeqaha bixiya ee Maraykanka ah  ee Puntland ka fuliya Mashaariicda horumarineed  oo ay kamid tahay hay’adda USAID , waxaana uu kala hadlay hay’adahaasi sidii ay usii wadi lahaayeen mashaariicda ay ka fuliyaan Puntland.

Jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan waddamada Maraykanka iyo Canada ayaa u qabtay Madaxweynaha munaasabado waaweyn  oo ay kusoo dhoweynayeen  waxaana kasoo qayb galay kumannaan qof oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Madaxweynaha Dawladda Puntand ayaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed waxaa uu uga  warbixiyey xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo horumarka baaxadda leh ee ka socda Puntland, sidoo kale arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayuu Madaxweynuhu ku dheeraaday isagoona xusay in dawladda Federaalku kadib markii ay  kufashilantay hawlihii loo igmaday oo ay kamid ahayd 2016-ka dalka in laga qabto doorasho hal-qof iyo hal-cod ah in ay doonayso in dalka dib loogu loogu celiyo hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed u sheegay Puntland in aanay marnaba oggolaan doonin in dalka dib loogu celiyo hannaankii 4.5 kaasoo ummadda Soomaaliyeed ka lumiyey waddadii dawladnimada iyo qarannimada.

—DHAMMAAD—

About The Author