Dhagayso: Wararkii u dambeeyey ee Hawlagaladii ka socda Puntland & ilaa iminka oo uusan dagaal dhicin

19 Marso 2016 (Puntlandes)  Wararkayagii saaka ayaanu waxaanu ku sheegnay in Dagaalka culus uu ka bilowday deegaanka GAWL oo u dhaxeeya degmada Garacad iyo Degaanka Kulub, halkaaso ay saacadihii u dambeeyey ku sugnaayeey Malayshiyadii Alshabaabka, waxaana ka bixinaynaa Cudurdaar iyadoo warkaas uu ahaa Xabado ay Ciidanka Difaacu u riden mar ay ka shakiyeen.

158ab

Dhanaka kele idaacadda VOA ayaa waxay ka diyaarisay Warbixin xaaladii u dambaysay ee Hawlgala Puntland ka socda

Dhagayso Warbixinta VOA

 

 Wasiirka Amniga & Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland oo Garacad Gaaray

Wasiirka Ammaanka Dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Generaal Siciid dheere ayaa Garacad waxay gaareen Degaanka Garacad, waxayna u kuurgalayaan xaaladda dagaalka ee ka jirta deegaanka Kulub.

Waxaa iyana maanta halkaas gaaray Ciidamo ka mid ah Ciidanka Difaaca Puntland kuwaasoo ah kuwo aad u xoog badan lóoga geeyey Degaanadaas inay ka qayb qaataan Hawlgalka Balaaran ee ay wadaan Ciidanka Difaaca Puntland.

 Alshabaab oo lasoo sheegay inay Qasheen laba Dameer

Malayshiyada Alshabaab ee Dhuumaalaysiga kusoo galay Degaanada Kulub ee Puntalbd iyagoo maalmihii u dambeeyey halkaasi ku Dhuumaalaysanayey waxaa lasoo derintay Saad la’aan ama Cunno la’aan iyadoo ay ka dhamaatay sahaydii yarayd ee ay wateen.

Reer miyi la kulmay ayaa waxay soo sheegeen in ay arkeen Alshabaab labo dameer intay Qabsadeen qalanaya.

Tani waxay noqonaysaa wax ku cusub Dhaqanka Soomaalida in Dameer la cunno.

Puntlandes,com

About The Author